Soomaaliya (Dawan)- Agaasimaha Machadka Saldhigga, isla markaana horey u soo noqday La-taliyaha Amniga Qaranka, Xuseen Macallin, ayaa ka hadlay sababaha keenay in dowladda Mareykanku ay soo gabagabeyso taageerada Ciidanka Kumaandooska Danab, kuwaas oo saamayn ku leh dagaalka ka dhanka ah kooxaha kasoo horjeedad dowladda.
Isaga oo wareysi siinayay barnaamijka Miizaan Podcast ee ka baxa Dawan Media, ayuu sheegay in howsha tababarka Danab ay bilaabatay sanadkii 2013, xilligaas oo Soomaaliya iyo Mareykanka ay ku heshiiyeen in la dhiso ciidan gaar ah oo ay dowladda Soomaaliya si tartiib ah ula wareegto.
“Dabcan Mareykanka waa gutay waajibkiisa. In nagula soo wareejiyana, xaq ayaan u leenahay. In aan dul-saar sii ahaano, annaga ayay ceeb nagu tahay,” ayuu yiri Xuseen Macallin.
Waxa uu intaa ku daray in markii heshiiska la galay uu ahaa mid kumeelgaar ah oo lagu ogaa in hawshu ay si tartiib ah ugu wareegi doonto dowladda Soomaaliya. Hase yeeshee, wuxuu qiray in ay jireen khaladaad ka yimid dhinaca dowladda Soomaaliya oo soo dedejiyay go'aanka Mareykanka oo ay ka mid yihiin musuqmaasuq la xiriira qaabka loo maareeyay taageerada ay bixiyaan.


