Asmara (Dawan)– Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki iyo Hoggaamiyaha Golaha Suudaan, Jeneral Cabdifataax al-Burhan, ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, xaaladda ka taagan Suudaan iyo arrimaha amniga iyo siyaasadda ee gobolka.
Kulanka oo Jimcihii, 17-kii Luulyo 2026, ka dhacay Aqalka Madaxtooyada Eritrea ee magaalada Asmara, ayaa labada hoggaamiye ku yeesheen wadahadallo ballaaran oo ku saabsan xiriirka laba geesoodka ah iyo arrimaha gobolka iyo caalamka ee ay wadaagaan.
War ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Eritrea ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Isaias Afwerki uu qaabilay Jeneral Cabdifataax al-Burhan iyo wafdi uu hoggaaminayay, kuwaas oo booqasho kooban ku tegay Eritrea.
Labada dhinac ayaa si gaar ah uga wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee Suudaan, halkaas oo tan iyo bishii Abriil 2023 uu ka socdo dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda Suudaan iyo xoogagga Gurmadka Degdegga ah (RSF).