Muqdisho (Dawan) – Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Ceynanshe Yuusuf Xuseen, ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu hayay, isaga oo sabab uga dhigay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo muranka ka taagan wax-ka-beddelka dastuurka.
Ceynanshe ayaa farriin uu soo saaray ku sheegay in go’aankiisa is-casilaaddu yimid kaddib markii uu arkay sida loo wado arrimaha dowladnimada, gaar ahaan hannaanka wax-ka-beddelka dastuurka oo uu ku tilmaamay mid ka baxsan heshiiskii lagu wada ahaa.
“Markaan arkay qaabka loo wado dowladnimada Soomaaliyeed iyo sida loogu ciyaarayo dastuurkii lagu heshiiyay, laguna beddelayo dastuur hal qof taladiis leeyahay, ayaan go’aansaday inaan is casilo,” ayuu yiri.
Wuxuu sidoo kale sheegay in lagu xadgudbay xuquuqda qaar ka mid ah xildhibaannada laga soo doortay Puntland, isagoo tilmaamay in loo diiday inay gutaan waajibaadkooda shaqo isla markaana ay tagaan deegaan doorashadooda.







