Muqdisho (Dawan) – Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa inay wax ka qabato qiimaha sare ee korontada, oo muddo dheer ka mid ahaa caqabadaha hortaagan kobaca ganacsiga iyo horumarinta warshadaha dalka.
Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya, Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa sheegay in dowladda ay waddo qorshe lagu helayo koronto tayo leh oo la mid ah tan hadda la isticmaalo, isla markaana qiimaheedu ka hooseeyo korontada ay shirkadaha gaarka loo leeyahay ay bixiyaan.
Wasiirka oo marti ku ahaa barnaamijka Miizaan Podcast ee ka baxa Dawan Media ayaa tilmaamay in korontada la qorsheynayo aysan si weyn uga duwaneyn tan hadda laga isticmaalo magaalada Muqdisho marka la eego awoodda guud ee la heli karo, balse isbeddelka ugu weyn uu noqon doono dhinaca qiimaha iyo tayada adeegga.
“Inagu maanta magaalada Muqdisho korontada ay dowladdu rabto inay geliso iyo korontada hadda laga isticmaalo waa isku dhawdahay. Waxaan rabnaa qiimuhuna inuu 30% hoos u dhaco,” ayuu yiri Wasiir Cabdullaahi Bidhaan Warsame.
Wuxuu sheegay in hadafka ugu weyn uu yahay in la helo koronto la isku halayn karo oo awood u leh inay taageerto warshadaha iyo mashaariicda waaweyn ee wax soo saarka, kuwaas oo uu sheegay inay la daalaa dhacayaan kharashka sare ee tamarta.
Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka ay korontadu qaaliga ka tahay, iyadoo inta badan adeegga korontada ay bixiyaan shirkado gaar loo leeyahay oo ku tiirsan shidaal dibadda laga keeno. Arrintaas ayaa sare u qaadday kharashka ku baxa korontada ee guryaha iyo ganacsiyada.