Muqdisho (Dawan)- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa iska fogeysay inay wax lug ah ku lahayd dhacdadii ka dhacday guriga taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Mahad Cabdiraxmaan Aadan, oo ku yaalla degmada Doolow ee gobolka Gedo, iyadoo sheegtay in xogaha hordhaca ah ee hay’adaha ammaanku muujinayaan in qaraxyadu ka dhasheen walxo qarxa oo lagu diyaarinayay guriga.
War-saxaafadeed ay dowladda soo saartay maanta ayay ku sheegtay inay si dhow ula socoto dhacdada, isla markaana ay magacaabi doonto guddi xaqiiqo-raadin ah oo baaritaan dhammaystiran ku sameeya waxa dhacay, ujeeddada laga lahaa iyo cidda ka dambeysay.
Hadalkan ayaa yimid kaddib markii Maamulka Jubaland uu dhacdada ku tilmaamay duqeyn lagu beegsaday guriga Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan, oo loo yaqaanay “Shub”, kaas oo horay u soo noqday taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.
Jubaland ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Turkiga ku eedeysay inay ku lug lahaayeen weerarka, halka Dowladda Federaalka ay sheegtay inaysan wax lug ah ku lahayn dhacdada.
Qoyska Jeneraal Shub ayaa sheegay inuu ka badbaaday dhacdada, halka warar kale ay ku tilmaameen in weerarka ay fulisay diyaarad aan duuliye lahayn. Si kastaba ha ahaatee, ilaa hadda ma jirto cid madax-bannaan oo xaqiijisay nooca hubka ama walxaha sababay qaraxyada iyo cidda ka dambeysay dhacdada.