Muqdisho (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay iska hor imaadyadii hubeysnaa ee dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay ku tilmaantay kuwo aan la aqbali karin, sharci-darro ah, isla markaana u adeegaya dano “cadow” oo gudaha iyo dibadda ah.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in ciidamada amniga ay soo gabagabeeyeen howlgal 48 saac qaatay oo ka socday caasimadda, kaas oo lagu beegsaday kooxo hubeysan oo ay dowladdu ku eedeysay inay isku dayeen inay abuuraan amni-darro.
Dowladdu waxay sheegtay in maleeshiyaad hubeysan ay galeen qaar ka mid ah xaafadaha Muqdisho, kadibna ay weerarro ku qaadeen ciidamada booliska iyo dad shacab ah, iyagoo adeegsanaya hub culus.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay u aragtaa falalka nuucan ah kuwa aan la aqbali karin, ka baxsan sharciga, una adeegaya dano cadow oo gudaha iyo dibadda ah,” ayaa lagu yiri bayaanka.