Seoul (Dawan)– Soomaaliya iyo Boqortooyada Eswatini ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo horumarinta iskaashiga dhinacyo kala duwan, intii lagu guda jiray Shirka Wasiirrada Afrika–Kuuriya ee ka socda magaalada Seoul ee Jamhuuriyadda Kuuriya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Horumarinta Dhaqaalaha ee Eswatini, Dr. Thambo Gina, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa xiriirka diblomaasiyadeed iyo wada-shaqeynta labada dal, iyadoo labada dhinac ay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda iskaashi ku dhisan is-ixtiraam, dan-wadaag iyo horumar wadajir ah.