Qaahira (Dawan) – Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Masar iyo Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah ku kulmay magaalada Qaahira, iyaga oo kawada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo isku-duwidda mowqifyada arrimaha Afrika ee ay labada dhinac wadaagaan.
Sida uu sheegay afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar, safiir Tamiim Khilaaf, Wasiir Cabdicaadi ayaa bogaadiyay horumarka sii xoogeysanaya ee xiriirka Soomaaliya iyo Masar, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, ganacsiga, kaabeyaasha dhaqaalaha, korontada iyo tamarta la cusboonaysiin karo, warshadaha dawooyinka, wax-soo-saarka beeraha iyo cuntada, iyo kordhinta is-weydaarsiga ganacsiga.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ayaa mar kale caddeeyay taageerada dalkiisa ee midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo sheegay in Masar ay si buuxda uga soo horjeedo tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wax u dhimaysa madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya.
Sidoo kale, Masar waxay cambaareysay tallaabada ay Somaliland ku sheegtay inay xafiis diblomaasiyadeed uga furatay magaalada Qudus, iyadoo ku tilmaantay arrin ka hor imanaysa sharciga caalamiga ah iyo go’aannada caalamiga ah ee khuseeya xaaladda magaalada Qudus.