Muqdisho (Dawan) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan afur ah la qaatay qaar ka mid ah madaxda ururrada siyaasadda dalka, isagoo kala hadlay xaaladda guud ee siyaasadda iyo xoojinta hannaanka dimuqraadiyadda Soomaaliya, gaar ahaan doorashooyinka qof iyo codka ku saleysan.
Kulanka, oo ka dhacay Villa Somalia, ayaa diiradda lagu saaray horumarinta nidaamka doorashooyinka iyo sidii loo xaqiijin lahaa ka qaybgal siyaasadeed oo loo dhan yahay.
War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu mas’uuliyiinta ka dhageystay talooyin iyo aragtiyo ku saabsan dib-u-habaynta hannaanka doorashooyinka, isagoo ku booriyay in ay sii xoojiyaan wada-shaqaynta isla markaana si firfircoon uga qayb qaataan doorashooyinka qof iyo codka ah ee la qorsheynayo in laga qabto dowlad goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, Koofur-galbeed, iyo Waqooyi Bari.








