Muqdisho (Dawan) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa sheegay in madaxda mucaaradku ay sii joogi doonaan magaalada Muqdisho, inkastoo ay dhowaan ka dhaceen is-ka-hor-imaadyo hubeysan oo sii kordhiyey xiisadda siyaasadeed ee dalka.
Khayre oo habeenimadii Khamiista shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in hoggaanka mucaaradku ay sii wadi doonaan waxa uu ku tilmaamay difaacidda xuquuqdooda siyaasadeed, isla markaana aysan aqbali doonin wax cadaadis ah oo lagu doonayo in looga saaro fagaaraha siyaasadda.
“Geeri diyaar baan u nahay laakiin geeddi diyaar u ma nihin,” ayuu yiri Khayre.
Hadalka Khayre ayaa yimid kadib iskahorimaadyo hubeysan oo ka dhacay Muqdisho, kuwaas oo sii xoojiyey khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo qaybaha mucaaradka, iyadoo labada dhinac ay midba midka kale ku eedeeyeen mas’uuliyadda rabshadaha.
Khayre ayaa sidoo kale ku eedeeyay mas’uuliyiinta dowladda inay awood u adeegsadeen mucaaradka, isagoo ku adkeystay in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal halkii awood la adeegsan lahaa.