Muqdisho (Dawan ) – Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in aan loo dheg raaricin digniinihii is-daba-joogga ahaa ee ku saabsanaa khatarta ah in Soomaaliya ay dib ugu laaban karto qalalaasihii siyaasadeed ee dalka ka dhacay sannadkii 2021-kii, kaddib rabshado dhowaan ka dhacay Muqdisho oo sii kordhiyey walaaca laga qabo xasilloonida siyaasadeed ee dalka.
Bayaan uu Khamiistii soo saaray afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Stéphane Dujarric, ayaa lagu sheegay in howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah ay marar badan ka digeen khatarta ka dhalan karta dib u soo noqoshada xaaladdii siyaasadeed ee 2021-kii, taas oo la xiriirtay khilaafkii ka taagnaa hannaanka doorashooyinka dalka.
“Digniinihaas, nasiib darro, looma dheg raaricin,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Howlgalka Kumeelgaarka ah ee Kaalmada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, UNTMIS, ayaa ugu baaqay madaxda Soomaaliyeed inay danta qaranka ka hormariyaan khilaafaadka siyaasadeed, isla markaana ay dib u furaan wadahadallada kadib markii ay fashilmeen wada-xaajoodyadii dhacay 15-kii May.
Howlgalka ayaa sidoo kale sheegay in saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ay diyaar u yihiin inay fududeeyaan wadahadallada looga golleeyahay in lagu xalliyo ismariwaaga siyaasadeed ee taagan.