Geneva (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Shirweynaha 114-aad ee Shaqada Adduunka ku soo bandhigtay dadaallada ay ku doonayso dib-u-habeynta suuqa shaqada, kobcinta shaqo-abuurka dhalinyarada iyo haweenka, ilaalinta xuquuqda shaqaalaha, iyo xoojinta wada-shaqeynta u dhaxeysa dowladda, shaqaalaha iyo loo-shaqeeyayaasha.
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Prof. Saalim Caliyow Ibrow, ayaa khudbad uu ka jeediyay shirweynaha ka socda xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada Geneva ku sheegay in Dowladda Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso dhismaha nidaam shaqo oo waafaqsan halbeegyada caalamiga ah.
Wasiirka ayaa xusay in dowladda ay xoogga saareyso hirgelinta ajandaha “Shaqo Hufan”, horumarinta siyaasadaha suuqa shaqada, kordhinta fursadaha shaqo ee waara, iyo yareynta shaqo la’aanta, gaar ahaan tan saameysa dhalinyarada iyo haweenka.
Shirweynaha 114-aad ee Shaqada Adduunka, oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Shaqada Adduunka (ILO), ayaa sanadkan diiradda lagu saarayaa arrimo ay ka mid yihiin shaqada hufan, dhaqaalaha ku saleysan adeegyada dijitaalka ah, sinnaanta jinsiga ee goobaha shaqada, wada-hadalka bulshada, iyo xoojinta nidaamka saddex-geesoodka ah ee xiriirka shaqada.