Muqdisho (Dawan)– Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Isniin ah hambalyo u diray Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Boqortooyada Ingiriiska, Andy Burnham, isagoo sheegay inuu rajeynayo inuu la shaqeeyo dowladda cusub si loo sii xoojiyo xiriirka ka dhexeeya labada dal.
Qoraal uu ku daabacay bartiisa X, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku tilmaamay Boqortooyada Ingiriiska inay tahay "saaxiib qiimo badan ku leh safarka Soomaaliya ee dib u dhiska dowladnimada iyo horumarka." Waxa uu intaa ku daray inuu rajeynayo in la sii ballaariyo iskaashiga labada dhinac.
"Hambalyo diirran ayaan u dirayaa Ra’iisul Wasaaraha cusub ee UK iyo hoggaamiyaha Xisbiga Labour-ka, Andy Burnham," ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ku yiri qoraalkiisa.