Addis Ababa (Dawan) – Safiirka Itoobiya u fadhiya Israa’iil, Tesfaye Yetayeh Anteneh, ayaa ka digay cawaaqibka amni ee ka dhalan kara haddii Itoobiya ay aqoonsato Somaliland, isaga oo sheegay in tallaabadaasi ay dowladda Soomaaliya ku riixi karto inay dalbato in ciidamada Itoobiya laga saaro dalka.
Wuxuu sheegay in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay ku weerarto Soomaaliya iyo Somaliland, khatartuna ay gaari karto gudaha Itoobiya. Hadalkan ayuu ka sheegay wareysi uu siiyay telefishanka Israa’iil ee i24NEWS.
“Marka Itoobiya ay aqoonsato Somaliland, dowladda Soomaaliya waxay Itoobiya ka codsan doontaa inay ciidamadeeda ka saarto Soomaaliya. Al-Shabaabna waxay heli doontaa waddo furan oo ay ku weerarto Soomaaliya iyo Somaliland, una gudubto Itoobiya,” ayuu yiri Safiir Anteneh.
Hadalkiisa ayaa imanaya xilli Israa’iil ay bishii Diseembar 2025 u aqoonsatay Somaliland dal ka madax-bannaan Soomaaliya, tallaabadaas oo ay dowladda federaalka Soomaaliya si adag uga hortimid.