Mudug (Dawan) — Wafdi ka socda dalka Cumaan iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa booqday maxjarka xoolaha ee deegaanka Buubi, gobolka Mudug (qaybta Puntland), iyagoo qiimeyn ku sameeyay heerka dhismaha iyo u hoggaansanaanta xaruntu u leedahay shuruucda caalamiga ah.
Wafdiga Cumaan waxaa hoggaaminayay Dr. Salim Sulaiman Rashid, oo khabiir ka tirsan Wasaaradda Beeraha iyo Xannaanada Xoolaha ee dalkaas, halka IGAD ay ku matalayeen Dr. Yahannes Girma Maheri iyo Dr. Dominic Lokeris Kathaya oo ka socda IGAD-ICPALD, xarun diiradda saarta horumarinta dhul-daaqsimeedka iyo xoolaha.
Intii ay joogeen goobta, aas-aasayaasha maxjarka ayaa wafdiga siiyay warbixin ku saabsan howlaha xarunta, kaddibna waxa ay soo kormeereen qaybaha kala duwan ee maxjarka, kuwaas oo loo dhisay si waafaqsan heerarka IGAD-ICPALD iyo kuwa caalamiga ah.


