Muqdisho (Dawan) – Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa ka wada hadlay sidii loo dardargelin lahaa taageerada la siiyo hay’adaha amniga dalka, gaar ahaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Ilaalada Xeebaha, iyadoo labada dhinac ay adkeeyeen muhiimadda iskaashiga amniga iyo dhismaha awoodda hay’adaha.
Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa Muqdisho kulan kula yeeshay wafdi ka socday Howlgalka Midowga Yurub ee Dhisidda Awoodda Hay’adaha Soomaaliya (EUCAP Somalia), oo uu hoggaaminayay madaxa howlgalka, Kestutis Lancinskas.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha, Maxamed Xasan Shire, iyo qaar ka mid ah agaasimayaasha waaxyaha wasaaradda.
Sida ay sheegtay Wasaaradda Amniga Gudaha, wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray taageerada farsamo iyo tababarrada ay EUCAP Somalia siiso hay’adaha amniga Soomaaliya, gaar ahaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Ciidanka Daraawiishta iyo Ilaalada Xeebaha.