Madagascar (30 September 2025) – Madaxweynaha Madagascar Andry Rajoelina ayaa Isniintii ku dhawaaqay inuu kala diray xukuumadda, kadib mudaharaadyo waaweyn oo ay hoggaaminayeen dhalinyaro oo dalka ka socda tan iyo Khamiistii lasoo dhaafay, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawacyo badan.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ugu yaraan 22 qof ay ku dhinteen in ka badan 100 kalena ay ku dhaawacmeen intii ay socdeen mudaharaadyada, kuwaas oo lagu sheegay inay ku daydeen kacdoonnada “Jiilka Z” ee dhawaan ka dhacay Kenya iyo Nepal.
Madaxweyne Rajoelina oo khudbad ka jeediyay telefishinka qaranka ayaa qiray in xukuumaddiisu ku guuldareysatay wax ka qabashada cabashooyinka shacabka, gaar ahaan koronto la’aanta iyo biyo yarida.
“Waxaan qirayaa oo raalli-gelin ka bixinayaa haddii xubnaha xukuumadda aysan gudan waajibaadkoodii. Waxaan fahamsanahay caro, murugo iyo dhibaatooyinka ay sababeen koronto la’aanta iyo biyo yari,” ayuu yiri Rajoelina.
Madaxweynaha ayaa sheegay inuu doonayo inuu abuuro fursad wadahadal lala yeesho dhalinyarada mudaharaadeysa, isla markaana waxa uu ballan qaaday in dowladdu taageeri doonto ganacsiyada ay dhibaatada ka soo gaartay dhacdooyinka rabshadaha iyo bililiqada.








