Laascaanood (Dawan) – Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa Fahiima Yuusuf Cabdullaahi Quuje ku eedeeysay falal la xiriira qiyaano qaran, isagoo Baarlamaanka ka dalbaday in laga qaado xasaanadda iyo xubinnimada si dacwad loogu gudbiyo maxkamadda awoodda u leh.
Eedeyntan ayaa soo baxday ka hor inta aysan Fahiima Quuje ku dhawaaqin inay isaga baxday Baarlamaanka iyo siyaasaddii maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya.
Warqad uu Xeer Ilaaliyaha Guud ee Waqooyi Bari Soomaaliya u diray Guddoomiyaha Golaha Wakiillada 15-kii Luulyo 2026, isla markaana la baahiyay 17-kii Luulyo, ayaa lagu codsaday in Fahiima laga qaado xasaanadda xildhibaanimo. Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa sheegay inuu doonayo in lagu soo oogo dacwad ku saleysan qodobbada 184, 218 iyo 222 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.
Nuqullo ka mid ah warqadda ayaa sidoo kale la gaarsiiyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Madaxweynaha Waqooyi Bari Soomaaliya. Xeer Ilaalintu waxay ku adkeysatay in qaadista xasaanaddu ay lagama maarmaan u tahay in Fahiima la horgeeyo maxkamad si loo baaro loona qaado dacwadda lagu soo eedeeyay.
Fahiima Quuje waxay ka mid ahayd siyaasiyiintii iyo xubnihii bulshada ee door muuqda ka qaatay halgankii iyo dadaalladii siyaasadeed ee horseeday dhismaha maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya. Waxay taageertay geeddi-socodkii lagu dhisayay hay’adaha maamulka, iyadoo markii dambe noqotay xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada.