Muqdisho (Dawan)– Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo u diray Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, madaxda qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed, kaddib markii Baarlamaanka uu si buuxda u ansixiyay dhammaystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Qoraal uu ku soo daabacay bartiisa Facebook ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ku tilmaamay dhammaystirka dastuurka mid taariikhi ah, isaga oo sheegay in uu yahay guul weyn oo la xiriirta xoojinta dowladnimada, dimuqraadiyadda iyo hirgelinta nidaam sharci oo ku dhisan isla-xisaabtan. Dastuurka, sida uu sheegay Ra’iisul Wasaaruhu, wuxuu ka tarjumayaa dadaalladii dheer ee wadatashiga qaran iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan helitaanka dastuur dhammaystiran oo hagaya mustaqbalka dalka iyo dadka.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku boorriyay dhammaan hay’adaha dowladda inay ilaaliyaan oo ay dhaqan-geliyaan dastuurka, si loo xaqiijiyo midnimo, caddaalad iyo horumar waara oo ay ku naaloodaan jiilasha hadda iyo kuwa mustaqbalka.
Marka dib loo eego marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray dib-u-eegista iyo wax-ka-beddelka cutubyada kala duwan ee dastuurka, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in tallaabooyinkaasi ay ahaayeen qorshe qaran oo lagu hiigsanayay in maanta la gaaro himiladaas.






