Belgrade (Dawan)— Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Belgrade ee dalka Serbia, halkaas oo ay si diiran ugu soo dhoweeyeen mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Serbia, sida ay sheegay madaxtooyada Soomaaliya.
"Madaxweynaha ayaa qayb ka ah madax ka socota dowlaha caalamka, kuwaasi oo lagu casuumay ka qayb galka Shirka heerka sare ah ee lagu xusayo 65-guurada Shirkii Koowaad ee dhaqdhaqaaqa dalalka aan isbahaysiga ahayn (Non-Aligned Movement), kaasi oo lagu qabtay magaalada Belgrade sannadkii 1961-kii" ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay madaxtooyada
Madaxtooyadu waxay intaas raacisay in Madaxweyne Xasan Sheekh inta uu ku sugan yahay dalka Serbia uu kulan muhiim ah la qaadan doona dhiggiisa dalkaasi, Mudane Aleksandar Vučić, iyaga oo ka wada hadli doona xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada siyaasadda iyo danaha labada dhinac.