Muqdisho (Dawan) — Guddoomiye ku-xigeenka Xarunta Cilmibaarista Badaha Soomaaliyeed, Cabdiraxmaan Warsame Diiriye, ayaa sheegay in xiriir joogto ah uu ka dhexeeyo kooxaha burcad-badeedda iyo argagixisada, isaga oo ka digay inay iska kaashan karaan dhaqaalaha iyo falalka amni-darrada ah ee ka dhaca xeebaha Soomaaliya.
Cabdiraxmaan Warsame ayaa hadalkan ka sheegay dood-wadaag ay soo qabanqaabisay Xarunta Qaran ee Tubsan, kaas oo diiradda lagu saaray isku xirka la-dagaallanka argagixisada iyo yareynta khataraha musiibooyinka ee deegaannada xeebaha Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in burcad-badeedda iyo kooxaha argagixisadu ay sharci ahaan geystaan falal dambiyeedyo waaweyn, maadaama weerarrada maraakiibta, afduubka badmaaxiinta iyo gelinta naftooda khatarta loo aqoonsan karo falal argagixiso.
“Burcad-badeedda iyo khawaarijtu xiriir joogto ah ayaa ka dhexeeya, waana sii xoogeysan karaa, maadaama burcad-badeeddu yihiin kooxo dhaqaale raadinaya. Haddii ay dhinaca kale ka arkaan dhaqaale iyo fursad, waxaa dhici karta inay xiriirkaas yeeshaan,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Warsame.
Waxa uu tilmaamay in burcad-badeeddu heleen doonyo awood u leh inay gaaraan meelo ka fog xeebaha Soomaaliya, isla markaana ay maraakiib ka qabsadaan Badweynta Hindiya, Gacanka Cadmeed iyo meelo u dhow xeebaha Yemen.