Wajeer (Dawan) – Odayaasha dhaqanka Wajeer ayaa Madaxweynaha Kenya William Ruto ku maamuusay 100 neef oo geel ah, iyagoo ku tilmaamay astaanta ugu sarreysa ee soo dhoweyn iyo qadarin ee dhaqanka deegaanka.
Maamuuskan ayaa looga dhawaaqay intii lagu guda jiray munaasabadda 63-aad ee maalinta Madaraka, oo sanadkan lagu qabtay magaalada Wajeer. Tani waxay ahayd markii ugu horreysay ee munaasabad qaran oo heerkan ah lagu qabto gobolka Waqooyi Bari Kenya.
Guddoomiyaha Ismaamulka Wajeer, Axmed Cabdullaahi Jiir, ayaa sheegay in shacabka gobolka ay Madaxweynaha Kenya u arkaan hoggaamiye gobolka siiyay dareen ka-mid-noqosho qaran iyo fursado horumarineed oo hor leh.
“Dhaqankeenna, marka qof si weyn loo maamuusayo, maamuuska ugu sarreeya waxaa la siiyaa boqorrada. Odayaasha Wajeer waxay yiraahdeen waxaad tahay boqorkeenna, waxayna ku siinayaan 100 geel ah,” ayuu yiri guddoomiyuhu.