Boosaaso (Dawan) — Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa faray hay’adaha amniga iyo caddaaladda inay la wareegaan hubka sharci-darrada ah, isla markaana tallaabo sharci ah ka qaadaan dadka ku lug leh colaadaha beelaha, iyadoo maamulka uu doonayo inuu xoojiyo amniga Gobolka Bari.
Deni ayaa shir guddoomiyey kulan amni oo ay ka qaybgaleen xubno ka tirsan golaha xukuumadda iyo baarlamaanka Puntland, saraakiisha ciidamada iyo hay’adaha amniga, iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Bari iyo degmada Boosaaso, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Madaxtooyada Puntland.
Shirka ayaa lagu amray hay’adaha ay khusayso inay si adag u dhaqan geliyaan mamnuucista qaadashada iyo ku dhex wadashada magaalooyinka Puntland hubka aan sharciyeysneyn.
Hay’adaha amniga iyo caddaaladda ayaa sidoo kale lagu amray inay la wareegaan hub kasta oo sharci-darro ah, isla markaana tallaabo sharci ah ka qaadaan cid kasta oo lagu qabto haysashada, soo gelinta, iibinta ama isticmaalka hubkaas.
Maamulka ayaa sidoo kale faray hay’adaha amniga inay tallaabo ka qaadaan cid kasta oo ku lug leh abaabulka ama hurinta colaadaha beelaha.
Shirku wuxuu sidoo kale go’aamiyey in la dardargeliyo hawlgallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah guud ahaan deegaanada Puntland.
Amniga xeebaha
Shirka ayaa sidoo kale xoogga saaray sugidda amniga badda iyo ilaalinta xeebaha Puntland.
Hay’adaha amniga ayaa lagu amray inay xoojiyaan tallaabooyinka ka dhanka ah burcad-badeedda iyo tahriibka, isla markaana ay si buuxda u dhaqan geliyaan go’aannada maamulka ee la xiriira arrimahaas.
Puntland ayaa sidoo kale amartay in la xoojiyo tallaabooyinka looga hortagayo soo gelinta, iibinta iyo isticmaalka daroogada iyo khamriga.
Maamulka ayaa xaddiday soo gelinta gaadiidka loo adeegsan karo qaadista hub ama qalab ciidan.