Boosaaso (Dawan ) – Puntland ayaa dhaarisay siddeed xubnood oo ka tirsan Maxkamadaha Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiiyada Culus, iyadoo tallaabadan lagu xoojinayo nidaamka caddaaladda iyo habsami u socodka dacwadaha la xiriira ciidamada iyo dambiyada culus.
Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo ay wehliyeen Guddoomiyaha Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Maxamed Baari Shire iyo Guddoomiyaha Ku-xigeenka Labaad Maxamuud Maxamed Ciise (Awoowe), ayaa goob joog ka ahaa munaasabadda dhaarinta.
Madaxweynaha ayaa xubnaha cusub kula dardaarmay in ay si cadaalad ah, hufnaan lehna u gutaan waajibaadkooda, isagoo xusay in Maxkamadaha Ciidamada ay door muhiim ah ka ciyaaraan ilaalinta amniga ciidamada iyo la dagaallanka dambiyada culus.
Xubnaha la dhaariyay ayaa isugu jira guddoomiyeyaal, garsoorayaal, xeer-ilaaliyeyaal iyo kaaliyeyaal, kuwaas oo ka shaqeyn doona Maxkamadaha Sare iyo Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Puntland.


