Garoowe (Dawan)– Wasiirka Caafimaadka Dowlad Goboleedka Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Faroole, ayaa ku dhawaaqay hirgelinta siyaasadda cusub ee daboolidda kharashaadka adeegyada caafimaadka ee Bari iyo Raas Caseyr, isaga oo sheegay in tallaabadan lagu xoojinayo adeegyada caafimaadka iyo maamulka isbitaallada si bulshada loo siiyo adeeg caafimaad oo tayo leh oo joogto ah.
Wasiirka ayaa sheegay in siyaasaddan ay ujeeddadeedu tahay joogteynta iyo tayeynta adeegyada caafimaadka, si bulshada ay u hesho adeeg hufan oo daboola baahiyahooda maanta iyo mustaqbalkaba.
Waxa uu xusay in muddadii 11-kii sano ee la soo dhaafay, hay'adaha caalamiga ah iyo dalalka saaxiibbada la ah Puntland, oo ay ka mid yihiin Sweden iyo Switzerland, iyo sidoo kale hay'adda Save the Children, ay hirgelinayeen barnaamijyo horumarineed oo ay ka faa'iideysteen kumannaan qof.
Wasiir Faroole ayaa ugu baaqay bulshada Bari iyo Raas Caseyr, ganacsatada, culimada, waxgaradka, haweenka iyo dhallinyarada inay si wadajir ah uga qayb qaataan ilaalinta iyo horumarinta isbitaallada, maadaama ay yihiin hanti loo dhisay bulshada.