Garoowe (Dawan ) —Puntland ayaa sheegtay in Soomaaliya ay wajahayso xaalad khatar ah oo ka dhalatay hubanti la’aan dastuuri ah iyo khilaaf siyaasadeed, sida uu sheegay madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, oo ka hadlayay munaasabad lagu daahfurayay toddobaadka dhiraynta Puntland ee Garoowe, ayaa sheegay in xaaladda dalka ay tahay mid ka halis badan tii 1991.
“Soomaaliya waxay wajahaysaa xaalad adag oo ka khatar badan tii 1991,” ayuu yiri Lugatoor.
Wuxuu sheegay in uu jiro firaaq dastuuri ah kadib markii uu dhammaaday muddo xileedka baarlamaanka federaalka, isla markaana uu ku dhow yahay dhammaadka muddo xileedka madaxweynaha.


