Muqdisho (Dawan) – Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mustafa Dhuxulow, iyo Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa si rasmi ah uga wada hadlay arrimaha dal-ku-galka iyo deggenaanshaha shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ka howlgala dalka.
Kulanka oo ka dhacay xafiiska Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Muqdisho ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka socday labada dhinac, iyadoo diiradda lagu saaray xoojinta nidaamka dal-ku-galka shaqaalaha caalamiga ah iyo ilaalinta xuquuqdooda.
Agaasimaha Guud, Mustafa Dhuxulow, ayaa sheegay in tallaabooyinkan ay qayb ka yihiin dadaallada lagu tayeynayo adeegyada, lagu xoojinayo hufnaanta, isla markaana lagu waafajinayo nidaamka socdaalka heerarka casriga ah.







