Galmudug, 1 December 2025 — Qaramada Midoobay ayaa ku wareejisay xarun iyo qalab dowlad goboleedka Galmudug Axaddii, taasoo qeyb ka ah howlihii Qaramada Midoobay ee xafiiskeeda siyaasadda ee loogu wareejinayay maamullka Soomaaliya.
Xafladda xil-wareejinta oo ka dhacday Dhusamareb, caasimadda Galmudug, waxaa ka qaybgalay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ‘Qoor Qoor’, Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan, iyo mas’uuliyiin sare oo ka socday Qaramada Midoobay, oo ay ku jirto Qurat-ul-Ain Sadozai, Hogaamiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNSOS).
Xarunta waxaa markii hore loogu talagalay inay taageerto howlaha Qaramada Midoobay ee Dhusamareb iyo guud ahaan Galmudug. Si kastaba ha ahaatee, qorshayaasha ayaa la beddelay sababo la xiriira xaaladda Qaramada Midoobay iyo qorshaha xiriitaanka Hawlgalka Kaalmada Kala-guurka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) Oktoobar 2026, kaasoo ku yimid codsi ka yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Xaruntu waxay leedahay xafiisyo, hoy loogu talagalay ilaa 50 qof, goob degista diyaaradaha, nidaamyada nadiifinta biyaha, iyo kaabayaasha amniga. Hadda waxaa maamuli doona Galmudug, halka UNSOS ay siin doonto tababar farsamo shaqaalaha Galmudug ilaa dhammaadka 2025.
James Swan ayaa xafladda ka sheegay in Qaramada Midoobey ay sii wadi doonto hawlaheeda Galmudug iyada oo loo marayo UNTMIS iyo hay’adaha kale ee Qaramada Midoobay, si loo taageero nabadda, xasiloonida, iyo horumarka gobolka.








