Soomaaliya (Dawan ) — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta oo Talaado ah dhagax-dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta Qaranka, tallaabadaas oo ujeedkeedu yahay dib-u-habaynta nidaamka waxbarashada dalka, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xaqiijiyay in dib-u-habaynta waxbarashadu ay tahay muhiimadda koowaad ee xukuumadda, isagoo carrabka ku adkeeyay in horumarinta manhajka dugsiyadu uu yahay lafdhabarta geedi-socodka waxbarashada.
Wuxuu yiri: “Manhaj tayo leh waa aasaaska waxbarashada, xaruntan waxay noqon doontaa hay’ad udub-dhexaad u ah kobcinta aqoonta faca soo kacaya.”


