Doha (Dawan) — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in madaxbannaanida Soomaaliya, midnimadeeda iyo wadajirka dhuleed aysan ahayn wax laga gorgortami karo, isagoo ka digay faragelin kasta oo dibadeed oo wax u dhimaysa midnimada dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ku sheegay wareysi uu siiyay wargeyska Al Sharq ee dalka Qatar, kaas oo uu kaga hadlay xaaladda Somaliland, aqoonsiga Israel ay siisay, qorsheyaal la sheegay in dadka Falastiiniyiinta loogu rarayo qeybo ka mid ah Soomaaliya iyo mustaqbalka wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland
Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in mowqifka Soomaaliya uu yahay mid cad oo aan isbeddelayn, isagoo xusay in Soomaaliya ay diiddan tahay “tallaabo kasta, aqoonsi kasta ama heshiis kasta oo hareer mara Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana wax u dhimaya midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”
Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ka mid tahay dalalkii dhidibada u taagay Midowga Afrika, isla markaana ay leedahay xuduudo caalami ahaan loo aqoonsan yahay, sidaas darteedna aysan jirin cid kale oo xaqiiqadaas ku beddeli karta tallaabooyin hal dhinac ah.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ka digay in faragelinta lagu wiiqayo midnimada iyo madaxbannaanida dowladaha ay abuuri karto tusaale khatar ah oo horseedi kara xasillooni-darro hor leh oo ka dhacda Geeska Afrika iyo meelo kale oo dunida ah.
Waxa uu sheegay in “aqoonsiga” Somaliland uu yahay dano is ballaarin ah oo Israel leedahay, kuwaas oo ku tilmaamay inaysan dan ugu jirin shacabka Soomaaliyeed.
Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay wada-hadalka lagu xallinayo arrimaha gudaha dalka, balse aan la aqbali karin faragelita shisheeye. “Midnimada Soomaaliya waa khad cas,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu, isagoo sheegay in Soomaaliya ay midnimadeeda ku difaaci doonto siyaasad, diblomaasiyad iyo sharci, iyo dhammaan hababka sharciga ah ee waafaqsan xeerarka caalamiga ah iyo mabaadi’da dastuurka Soomaaliya.