Nairobi, 7 Maarso 2026 (Dawan)– Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhintay fatahaado baahsan oo ka dhashay roobab xooggan oo ka da’ay magaalada Nairobi, kuwaas oo carqaladeeyay isu socodka gaadiidka, isla markaana waxyeelo gaarsiiyay hantida dadwayanaha ee caasimadda.
Booliiska ayaa sheegay in lix ka mid ah dadka dhintay ay sabab u ahayd fatahaadaha biyaha , halka labo kalena ay koronto ku dhufatay. Kooxaha gurmadka ayaa sii wadaa dadaallada badbaadada iyadoo weli laga cabsi qabo in tirada dhimashadu sii koroto.
Taliyaha booliiska Nairobi, George Sida, ayaa sheegay in kooxaha gurmadku ay la kulmeen caqabado waaweyn oo ka dhashay waddooyinka iyo xaafadaha ay biyuhu galeen, taas oo gaabis ku keentay howlihii badbaadinta habeenkii.
Roobku waxa uu sidoo kale waxyeelo gaarsiyay in ka badan 100 gaari oo ku sugnaa xaafadaha caasimadda, gaar ahaan South C, halkaas oo biyo-fatahaadku galeen goobaha baabuurta la dhigto iyo waddooyinka.
Xaafadaha ay fatahaaduhu saameeyeen waxaa ka mid ah South C, South B, Nairobi West, Kilimani, Parklands, Eastlands iyo bartamaha magaalada








