Muqdisho (Dawan) — In ka badan 20,000 oo qoys ayay saameyn kasoo gaartay roobab xooggan oo toddobaadkii la soo dhaafay ka da’ay deegaanno ka tirsan dowlad-goboleedka Galmudug, sida uu sheegay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Galmudug, Cabdiraxmaan Maxamed Diiriye Makaawi.
Wasiirka ayaa Axaddii hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu si wadajir ah ula qabtay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, xarunta hay’adda ee Muqdisho.
Makaawi ayaa sheegay in roobabku si gaar ah u saameeyeen degmooyinka Cabudwaaq, Gaalkacyo iyo Guriceel, iyo qaybo ka mid ah Dhuusamareeb. Wuxuu sheegay in biyuhu ay waxyeelleeyeen ganacsiyo, hakad geliyeen waxbarashada iyo adeegyada caafimaadka, isla markaana carqaladeeyeen isku socodka dadka. Wuxuu intaas ku daray in guryo iyo masaajiddo ay burbureen, halka dadka barakacayaasha ah iyo qoysaska nugul ay la kulmeen dhibaatooyin dheeraad ah. Wasiirku wuxuu sheegay inaan ilaa waqtigaas la soo sheegin dhimashada xoolaha, inkastoo ay jireen khasaarooyin kale oo ka dhashay roobabka.