(New York, 25 Sep. 25) – Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa si cad u sheegay in ugu yaraan laba kursi ay Africa ku yeelayo golaha amaanka ee qaramada midoobay ee joogtada ah ay lagama maarmaan tahay.
Ruto ayaa khudbaddiisii uu arbacadi ka jeediyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ku sheegay in dib-u-habeynta Golaha Ammaanka aysan ahayn deeq loo sameynayo Afrika, balse ay tahay baahi muhiim u ah sii jiritaanka hay’addaan.
Ruto wuxuu xusay in Afrika muddo labaatan sano ka hor ah ay hoggaamiyayaashooda dalbadeen laba kursi oo joogto ah iyo shan kursi oo aan joogto ahayn. Hase yeeshee, codsigaas uu weli yahay mid la iska indho tiray ama dib loo dhigay, taas oo uu ku tilmaamay mid dhaawac ku ah sharciyadda QM.
“Ma sheegan kartid Qaramada midoobay adiga oo iska indha tiraya codka 54 dal, ma suurtagaleyso,” ayuu yiri Ruto.
Ruto wuxuu sheegay in Afrika aysan sii aqbali doonin in laga reebo go’aan qaadashada caalamka, halkaas oo lagu go’aamiyo nabadda, ammaanka iyo horumarka aduunka, isaga oo ku tilmaamay ka saarista Afrika mid “aan la aqbali karin, cadaalad darro ah, si weynna dhinac ugu janjeerto,” taas oo khatar ku ah sumcadda Qaramada Midoobay.








