Mandheera (Dawan)- Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa sheegay in dowladihii isaga ka horreeyay ay si weyn u dayaceen horumarinta Waqooyiga Kenya, taas oo sababtay in gobolka uu muddo dheer uu waayo adeegyo iyo kaabayaal horumarineed oo muhiim ah.
Ruto ayaa hadalkan ka jeediyay magaalada Mandheera, xilli uu ka qeyb galay munaasabad lagu qaybiyay lacag gargaar ah oo gaareysa 63 milyan oo shilin Kenyan ah, taas oo la siiyay 2,520 qof oo ku nool gobolka.
Waxa uu sheegay in Waqooyiga Kenya uu ahaa gobol muddo dheer la illaaway, balse dowladdiisu ay hadda ka shaqaynayso sidii loo saxilahaa dayacaas taariikhiga ah.


