Muqdisho (Dawan ) — Shaqaalaha Dekedda Muqdisho ayaa dhammaystay tababar gaar ah oo loogu talagalay in lagu horumariyo adeegyada loo fidiyo dadka naafada ka ah maqalka ee ka faa’iideysta adeegyada dekedda iyo guud ahaan bulshada.
Tababarkan oo diiradda lagu saaray barashada luqadda dhegoolayaasha (sign language), ayaa loogu talagalay shaqaalaha dekedda si ay si hufan ula macaamilaan dadka maqalka naafada ka ah ee adeegyada ka raadsada dekedda.
Maareeyaha Dekedda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur “Ameeriko”, oo ay wehliyaan maareeye ku-xigeennada, ayaa si rasmi ah u soo xiray tababarka, isagoo bogaadiyay ka qaybgalayaasha dadaalka ay muujiyeen.


