Muqdisho (Dawan) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa dhaliilo culus u jeediyay dowladda Federaalka, isagoo su’aal geliyay Diinta, qiyamka iyo mabaadi’da ay ku dhaqanto Dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna ku eedeeyay inaysan ilaalin xurmada dadka, goobaha cibaadada iyo xuquuqda shacabka.
Shariif ayaa hadalkan ka sheegay kulan ay Muqdisho ku yeesheen siyaasiyiin mucaarad ah, kaas oo diiradda lagu saaray arrimaha xuquuqda, xorriyadda iyo xaaladda dhallinyarada Soomaaliyeed.
Madaxweynihii hore ayaa sheegay in dowladda lagu dhaliili karo sida ay ula dhaqanto shacabka iyo sida ay u maamusho amniga, isagoo xusay in aysan jirin, sida uu hadalka u dhigay, xurmo ku filan oo loo hayo nolosha dadka, masaajidda iyo goobaha waxbarashada.
“Horta dowladdaan diinta ay haysato yaa yaqaano?... maxaa xurmo agtooda ka leh,” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed, isagoo ku tilmaamay hadalkiisa mid uu si dhab ah u jeedinayo ee aan ka ahayn kaftan.