Beijing (Dawan)— Shiinaha iyo Jabuuti ayaa Khamiistii ku baaqay in la sugo amniga maraakiibta Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay xorriyadda isu-socodka maraakiibta ee Marinka Baabul Mandab. Arrintan ayaa lagu sheegay bayaan wadajir ah oo ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha soo saartay kaddib wadahadallo ay wasiirrada arrimaha dibadda ee labada dal ku yeesheen Beijing.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha, Wang Yi, ayaa Arbacadii la kulmay dhiggiisa Jabuuti, Cabdulqaadir Xuseen Cumar, oo booqashadiisii ugu horreysay ee rasmi ah ku jooga Shiinaha, sida ay sheegeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha iyo Wakaaladda Wararka Jabuuti ee ADI.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in maraakiibta ganacsiga ee dhammaan dalalka ay tahay inay helaan xuquuqda isu-socodka ee waafaqsan sharciga caalamiga ah. Waxa kale oo uu xusay in Shiinuhu taageerayo dalalka xeebaha Badda Cas ku yaalla si ay door wax-ku-ool ah uga qaataan sugidda amniga marinnada maraakiibta.
Labada dhinac ayaa walaac xooggan ka muujiyay soo laba-kaclaynta burcad-badeednimada ee Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, waxayna ku baaqeen in la xoojiyo iskaashiga ku salaysan Heshiiska Qaramada Midoobay ee Sharciga Badaha, sida ay sheegtay wasaaradda. Wang ayaa sheegay in colaadda Bariga Dhexe ay saamaynteedu ku fidayso Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas, taas oo khataro cusub ku keenaysa amniga marinnada maraakiibta ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Waxa uu intaas ku daray in Shiinuhu kala shaqayn doono Jabuuti dejinta xiisadaha.
Bayaanka ayaa dejinta xiisadaha Bariga Dhexe ku tilmaamay arrin muhiim u ah amniga Geeska Afrika iyo Badda Cas. Labada dhinac ayaa ka soo horjeestay in xiisaduhu ku fidaan gobolka, waxayna ku baaqeen in la xoojiyo wadahadalka, lagana fogaado adeegsiga xoogga iyo cunaqabateynta hal dhinac ah, sida ay sheegtay wasaaraddu.