Jabuuti (Dawan) – Afar qof ayaa ku dhintay, halka toban kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas afar ka mid ah ay xaaladdoodu culus tahay, kaddib shil gaari oo galabnimadii Isniinta ka dhacay agagaarka deegaanka Bolli, ee gobolka adjourah, ee waqooyiga Jabuuti, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Jabuuti.
Shilka ayaa ka dhacay goob lagu magacaabo Gabira-Bahari, oo qiyaastii laba kiiloomitir u jirta deegaanka Bolli, saacaddu markay ahayd 5:10 galabnimo,






