Muqdisho (Dawan)– Shirka Amniga Gudaha Qaranka ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, iyadoo looga hadlayo sidii loo xoojin lahaa hannaanka amniga gudaha Soomaaliya, sida uu sheegay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha, Maxamed Shire
Shirka oo soconaya muddo laba maalmood ah ayaa waxaa ka qeybgalaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, hay’adaha amniga iyo saaxiibbada caalamka. Waxaa ka mid ah Wasiirka Amniga Gudaha XFS Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Xoosh iyo Wasiirka Amniga Gudaha Hirshabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Khayre.
Sidoo kale waxaa shirka ka qeybgalaya Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Xuseen Qaasim Yuusuf.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa sheegay in ajandaha shirka lagu saleeyay saddex arrimood oo muhiim u ah waaxda amniga, kuwaas oo kala ah kormeerka hay’adaha amniga, isku-duwidda hay’adaha iyo awoodda dhaqaale ee lagu taageerayo howlaha amniga.
Wuxuu sheegay in dhinaca kormeerka lagu eegayo sida hay’adaha amniga u kala leeyihiin waajibaadka iyo isla-xisaabtanka, gaar ahaan xiriirka Wasaaradda Amniga Gudaha iyo hay’adaha hoos yimaada sida Booliska, sirdoonka iyo socdaalka, iyo sidoo kale doorka Baarlamaanka ee kormeerka hay’adaha dowladda.