Muqdisho (Dawan) – Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa shaaciyey jadwalka doorashada xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo tan madaxweynaha. Hase yeeshee, waxaa taagan su’aal muhiim ah: Sidee ayay suurtagal ku tahay in doorasho federaal ahi dhacdo iyadoo aan laga codayn doonin Somaliland, Puntland iyo Jubaland?
Jawaabtu waxay ku jirtaa fahamka saddex arrimood oo muhiim ah: sharciga, farsamada iyo siyaasadda.
Marka koowaad: Sharciga
Dastuurka la dhammaystiray, wax-ka-beddelka iyo dhammaystirkana lagu sameeyey ee la ansixiyey sannadka 2026, ayaa ah tiirka ugu weyn ee ay dowladda ku tiirsan tahay. Dastuurkani wuxuu dhigaya doorasho qof iyo cod ah, nidaam xisbiyo badan iyo dhismaha guddi doorasho. Waxa kale oo uu dhigaya muddo-xileed shan sano ah.
Dhinaca dowladda, dariiqa sharciyeed ee doorashadu waa u furan yahay. Mucaaradka, se, waxay diidan yihiin dastuurkan, waana halka uu khilaafka siyaasadeed ka bilaabmayo.
Marka labaad: Farsamada
Guddigu kama bilaabayo hawsha doorashada meel eber ah. Gobolka Banaadir, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle waxaa hore uga dhacay doorashooyin qof iyo cod ah, kuwaas oo ay ka qaybqaateen in ka badan 660,000 oo codbixiye.
Doorashooyinkaas waxaa codbixintu ka dhacday in ka badan 870 xarumood oo uu guddigu dhigay sanduuqyada codbixinta, waxaana ku tartamay in ka badan 30 urur siyaasadeed.
Hadda, guddigu wuxuu sheegay inuu dib u furayo diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo ururrada siyaasadda, taas oo kordhin karta tirooyinkaas.