Soomaaliya (Dawan) – Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa qiray in nidaamka federaalka uu si toos ah u saameeyay horumarka iyo qaab-dhismeedka waxbarashada dalka, isagoo tilmaamay in ay jiraan dhinacyo togan iyo caqabado weli taagan.
Isagoo ka hadlayay barnaamijka Miizaan Podcast ee ka baxa Dawan Media, wasiirku wuxuu xusay in waxbarashadu ay si weyn ugu faaftay bulshada, kadib markii dadku ay qaateen doorka hormuudnimo ee bixinta adeegyada waxbarasho.
“Mararka qaar (Federaalku) saameyn taban ayuu ku yeeshay, saamayn togan wuu ku yeeshay,” ayuu yiri wasiirku.
Wuxuu tilmaamay in mid ka mid ah faa’iidooyinka ugu waaweyn ay tahay in bulshadu aysan sugin dowladda oo keliya, taasoo keentay in goobo badan oo aan hore waxbarasho uga jirin laga hirgeliyo iskuullo iyo jaamacado.
Si kastaba ha ahaatee, wasiirku wuxuu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la mideeyo arrimaha aasaasiga ah ee waxbarashada, gaar ahaan manhajka iyo imtixaannada.
“Dalka Soomaaliyeed waa inuu yeeshaa manhaj mideysan..” ayuu sheegay.
Wasiirka ayaa sidoo kale xusay muhiimadda nidaam xogeed mideysan oo lagu maamulo waxbarashada, kaas oo fududeynaya la socodka ardayda iyo qorsheynta adeegyada waxbarasho.
“Nidaamkaas waxa uu fududeynaya go’aan qaadashada… aniga saakay waa ogahay ardaygii ka beddeshay schoolka Dhoobley ee u beddeshay Afmadow,” ayuu yiri.


