Muqdisho (Dawan) – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) iyo Qaramada Midoobay ayaa ka wada hadlay xaaladaha bani’aadannimo ee Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa dadaallada gargaarka ee lagu taageerayo bulshada nugul ee dalka.
Kulanka oo ahaa mid bille ah ayaa waxaa si wadajir ah u guddoomiyay Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ahna Isku-duwaha Arrimaha Bani’aadannimada, George Conway.
Sida ay sheegtay SoDMA, kulanka waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka socday hay’adda iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isku-duwidda Arrimaha Bani’aadannimada (OCHA), kuwaas oo dib u eegis ku sameeyay xaaladaha bani’aadannimo ee dalka iyo baahiyaha jira ee u baahan in si degdeg ah wax looga qabto.
Labada dhinac ayaa si gaar ah uga hadlay saameynta ay bulshada ku yeesheen abaaraha soo noqnoqday, colaadaha iyo xaaladaha kale ee degdegga ah, kuwaas oo wali caqabado ku haya malaayiin Soomaali ah oo u baahan gargaar iyo adeegyo aasaasi ah.