Hargeysa , 18 Nofeembar 2025 — Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland ayaa ku baaqay gargaar degdeg ah xilli uu sheegya inay abaartu ay si weyn ugu sii fiday gobollo badan, taas oo kumannaan qoys gelisay xaalad biyo-la’aan, cunto-yari iyo nuglaansho sii kordhaya.
Isagoo Isniintii hadlayay, Madaxweyne Ku-xigeen Maxamed Cali Aw Cabdi wuxuu sheegay in xaaladda abaartu si xowli ah u sii xumaaneyso, isla markaana bulshada ay ku yar yihiin ilihii nololeed ee aasaasiga ahaa.
“Umadda Somaliland waxaan u sheegeynaa in abaartii adkaatay, abaartu way sii baahday. Biyo ma jiraan, cunto ma jirto, gaajo ayaa jirta,” ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka..
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa sheegay in qoysas badan ay halis ugu jiraan nafaqo-darro iyo xaalad nololeed oo aad u liidata, isaga oo ku boorriyay bulshada in ay isgarab taagaan oo mid walba wixii karaankiisa ah ku bixiyo dadka abaartu saameysay.








