Hargeysa (Dawan)— Somaliland ayaa shaacisay Axaddii qorshe lagu buuxinayo 774 boos oo shaqo oo ka bannaanaaday hay’adaha Xukumadda Somaliland kadib markii 1,399 shaqaale ay galeen hawlgab, iyadoo sheegtay in boosaska darajooyinka A iyo B lagu buuxin doono tartan iyo imtixaan furan.
Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Somaliland, Cabdicasiis Xirsi Warsame, ayaa sheegay in 774-ka boos ay ka kooban yihiin 399 boos oo darajada A ah iyo 375 boos oo darajada B ah, kuwaas oo sida uu sheegay xeerka shaqaalaha Somaliland dhigayo in lagu buuxin doono imtixaan iyo tartan furan.
“Boosaska maanta aynu shaacinayno ee imtixaanka loo geli doono waa boosaska darajada A iyo B,” ayuu Warsame ka sheegay munaasabad uu Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ku daah-furay qorshaha shaqaaleysiinta cusub.
Boosaska kale ee shaqaalahoodi ka howlgabeen ayaa gaaraya 625, kuwaas oo ka kooban 242 boos oo darajada C ah iyo 383 boos oo darajada D ah. Warsame ayaa sheegay in boosaskaas ay buuxin doonaan hay’adihii ay shaqaaluhu ka hawlgaleen, iyadoo la raacayo xeerarka, siyaasadaha iyo habraacyada shaqaalaha.
Hay’adda Shaqaalaha Somaliland ayaa sheegtay in 774-ka boos loo qaybin doono gobollada, iyadoo Awdal loo qoondeeyay 25%, Maroodijeex 20%, Togdheer 20%, Sanaag 15%, halka Sool iyo Saaxil midkiiba loo qoondeeyay 10%.
Warsame ayaa sheegay in nidaamka shaqaaleysiintu xaddidayo in qofku u tartamo oo keliya boosaska ka bannaan gobolka uu degan yahay, si loo siiyo fursad dadka ku nool gobollada kala duwan.