Hiiraan (Dawan)– Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah sheegtay in duqeyn cirka ah oo ay xalay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibbada caalamiga ah lagu dilay 25 dagaallame oo ka tirsanaa Al-Shabaab gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.
Wasaaraddu waxay sheegtay in howlgalka lagu bartilmaameedsaday fariisimo ay Al-Shabaab ka sameysteen deegaanka Suullaay, oo qiyaastii 17 kiiloomitir dhanka koonfureed kaga beegan deegaanka Teedaan ee gobolka Hiiraan, halkaas oo kooxda ay ka sameysatay saldhigyo ay u adeegsanayeen abaabulka iyo dhaqdhaqaaqyadooda.
Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga, howlgalka ayaa sidoo kale lagu dhaawacay 18 dagaallame oo ka tirsanaa Al-Shabaab, halka afar xubnood oo lagu tuhunsan yahay inay ka tirsanaayeen kooxda ay isku soo dhiibeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed kaddib duqeynta.