Doha (Dawan)—Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo ay ku doonayso inay ku ballaariso waxbarashada farsamada iyo tiknoolajiyada, kadib markii heshiis iskaashi oo lagu dhisayo Jaamacadda Tiknoolajiyada Soomaaliya (TUS University) lagu saxiixay isniintii magaalada Dooxa ee dalka Qatar.
Heshiiska oo ay kala saxiixdeen Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Doha ee Sayniska iyo Tiknoolajiyada (UDST), ayaa jaamacadda Qatar siinaya door ku saabsan diyaarinta manhajka, tayeynta macallimiinta, hubinta tayada waxbarashada iyo shahaadaynta.
Wajiga koowaad ee jaamacadda cusub ayaa lagu wadaa inuu xoogga saaro takhasusyo ay Soomaaliya baahi weyn u qabto, kuwaas oo ay ka mid yihiin tiknoolajiyada, injineernimada, cilmiga badaha, duulista, batroolka, tamarta iyo maaraynta caafimaadka.
Qorshuhu wuxuu sidoo kale mudnaan siinayaa tababbarka iyo tayeynta macallimiinta Soomaaliyeed, si mustaqbalka ay u noqdaan xoogga ugu weyn ee maamulka iyo tacliin-bixinta jaamacadda.
Dowladda Soomaaliya ayaa mashruucan ku dartay dadaallada lagu doonayo in waxbarashada sare si dhow loogu xiro baahida suuqa shaqada, xilli dalka uu wajahayo baahi sii kordhaysa oo loo qabo xirfadlayaal ku takhasusay dhinacyada farsamada, tiknoolajiyada iyo injineernimada.