Muqdisho (Dawan)- Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR) ayaa shalay ka wada hadlay sidii loo horumarin lahaa qaab iskaashi cusub oo qeexaya dhinacyada mudnaanta leh, hababka isku-duwidda iyo kaalmaha labada dhinac, sida ay sheegtay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha.
Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka UNHCR ee Soomaaliya ahna Ku-simaha Wakiilka, Jing Song, iyadoo kulanka diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ee labada dhinac.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii barnaamijyada UNHCR loogu sii waafajin lahaa mudnaanta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP), gaar ahaan dhinacyada qorsheynta, isku-duwidda, kormeerka iyo qiimeynta howlaha.