Muqdisho (Dawan) — Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adda UNICEF ayaa Muqdisho ku yeeshay kulan lagu qiimeeyay horumarka mashaariicda biyaha iyo fayadhowrka ee uu maalgeliyo Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB), kuwaas oo laga fulinayo Doolow, Qardho iyo Koonfurta Gaalkacyo.
Shirka Guddiga Hagidda Mashaariicda, oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha iyo UNICEF, ayaa diiradda lagu saaray horumarka la gaaray, caqabadaha hortaagan fulinta mashaariicda iyo tallaabooyinka lagu dardargelin karo hawlaha mudnaanta leh.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Eng. Cabdullaahi Ibraahim, ayaa sheegay in mashaariicdu muhiim u yihiin ballaarinta adeegyada biyaha iyo fayadhowrka, gaar ahaan kuwa loogu talagalay dadka barakacayaasha ah iyo bulshooyinka martigeliya, iyo sidoo kale xoojinta awoodda bulshooyinka ee la qabsiga saameynta isbeddelka cimilada.