Muqdisho(Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa daahfurtay carwo lagu soo bandhigayo qalabka iyo tiknoolajiyadda casriga ah ee beeraha, iyadoo tallaabadan ay qayb ka tahay dadaallada lagu doonayo in kor loogu qaado wax-soo-saarka gudaha iyo helitaanka cuntada dalka.
Carwadan oo lagu qabtay xarunta dhexe ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, ayaa waxaa si rasmi ah u furay Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), kaas oo sheegay in horumarinta tiknoolajiyadda beeraha ay laf-dhabar u tahay kobcinta dhaqaalaha iyo yareynta ku tiirsanaanta cuntada dibadda laga keeno.
Carwadan ayaa lagu soo bandhigay qalab iyo farsamooyin casri ah oo loogu talagalay kor u qaadidda wax-soo-saarka, hagaajinta tayada dalagyada, iyo sare u qaadidda waxtarka hababka beeralayda.
Beeraley iyo iskaashatooyin ka kala socda Muqdisho iyo gobollada dalka ayaa ka qaybgalay carwada, iyagoo helay fursad ay ku baran karaan tiknoolajiyad cusub oo lagu horumarin karo wax-soo-saarka beeraha.


