Muqdisho (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u daahfurtay Istaraatiijiyadda Nafaqada ee Soomaaliya ee Dhinacyada Badan 2026, taas oo ah hannaan qaran oo lagu xoojinayo ka hortagga iyo wax-ka-qabashada nafaqo-darrada, laguna mideynayo dadaallada dowladda iyo bah-wadaagta.
Munaasabadda daahfurka waxaa soo qabanqaabiyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Barnaamijka Scaling Up Nutrition (SUN), waxaana si rasmi ah u furay mas’uuliyiin ka socday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada iyo Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO).
Daahfurka waxaa ka qayb galay wasaarado iyo hay’ado heer federaal iyo dowlad-goboleed, oo ay ku jiraan hay’adaha ka shaqeeya caafimaadka, beeraha, xannaanada xoolaha, kalluumeysiga, qorsheynta, deegaanka iyo isbeddelka cimilada.
Waxaa sidoo kale ka qayb galay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Hay’adda Istaatistikada Qaranka, iyo hay’adaha caalamiga ah ee bah-wadaagta la ah dowladda Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin WFP, FAO, WHO iyo UNICEF.